Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Mas置ul ka Tirsan Dowladda oo Muqdisho Lagu Dhawacay
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:22
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:81
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:246
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:369
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 16 2008
Mas置ul ka Tirsan Dowladda oo Muqdisho Lagu Dhawacay
Written by Ali Moallim   
Saturday, 16 August 2008

Muqdisho,(insidesomalia.org)- Cabdiraxmaan Xuseen Dhuunte oo ka tirsan Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa saaka waaberigii waxay ku dhaawaceen kooxo hubeysan Isgoyska Afarta Jardiino ee Degmada Yaaqshiid, waxaana Mas置ulkaasi oo watay Gaari nooca Camery-ga loo yaqaan ay dhaawaceen kooxahaasi hubeysan isagoo ku sii jeeda goobtiisa shaqo.

 

Wararku waxay sheegayaan in sidoo kale falkaasi ay kooxaha hubeysan ku dhaawaceen Wiil uu dhalay oo isagu arday ahaa, hase yeeshee dhaawaca Mas置ulkaasi ayaa la sheegayaa inuu yahay mid fudud isla markaana lagu dabiibayo Isbitaalka Keysaney ee duleedka Magaalada Muqdisho.

 

Kooxaha hubeysan ee geystay falkaasi ayaa la sheegay inay iyagu baxsadeen, waxaana daqiiqado kaddib markii falkaasi dhacay halkaas tegay ciidamada Booliska, kuwaasi oo sameeyay howlgalo baaritaan, balse kooxaha geysta falalka dilalka qorsheysan ayaa iyagu intooda badan ka baxsada ciidamada Dowladda.

 

Ma aha markii ugu horeysay oo madaxda Dekedda Muqdisho ay weeraraan kooxo hubeysan, waxaana hore dhowr goor u dhacday in la soo weeraro guriga Maareeyaha Dekedda Muqdisho Eng. Cabdi Jiinow Calasow, hase yeeshee ilaalada aadka u tababaran ee Maareeyaha ayaa gaashaanka u daruuray inuu suurtagalo hamiga kooxaha geysta dilalka qorsheysan.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >